Baladweyne (Radio Beerlula )-Tababaraha FC Barcelona, Hansi Flick, ayaa qirtay inuu “waligiis aysan soo marin soo laabasho noocaan ah”, kadib markii ay kooxda reer Catalonia 5-4 kaga adkaatay Benfica Talaadadii, taasoo u xaqiijisay inay si toos ah ugu soo baxaan wareegga bug-baxa ee Champions League.
“Waxay ahayd ciyaar waalli ah. Waxyaabaha ugu wanaagsan waxay ahaayeen maskaxda iyo adkaysiga Ciyaartooydeenna. Tani waa kubadda cagta. Ma filayo in waligay aan la kulmay soo laabasho sidan oo kale ah,” ayuu Flick u sheegay Movistar.
Isagoo amaan u jeedinaya Benfica, Flick wuxuu sheegay in kooxda reer Lisbon ay tahay mid “aad u fiican marka ay weerarka deg-degga ah sameynayaan” isla markaana ay Barca ku ciqaabeen fursadahaas.
“Waxay nagu qasbeen inaan si aad ah u difaacanno maadaama aan si fiican u habeysneyn. Bedelka aan sameynay wuxuu noo caawiyey si weyn,” ayuu Flick ku daray.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ah inay diiradda saaraan ciyaaraha soo socda: “Waa noo muhiim inaan diiradda saarno Valencia (horyaalka La Liga) hadda, kadibna Atalanta. Ma ahan inaan nasanno. Waxaan dooneynaa inaan sidoo kale garaacno Atalanta,” ayuu ku adkeystay.