Baledweyne ( Radio Beerlula )-Viktor Gyökeres ayaa kulan muhiim ah la qaatay madaxweynaha kooxda Sporting CP, Frederico Varandas, sida ay ku warrantay Record oo fadhigeedu yahay dalka Portugal.
Gyökeres ayaa codsigiisa ugu weyn u gudbiyay madaxda kooxda, wuxuuna doonayaa in loo oggolaado inuu ka tago kooxda haddii dalab macquul ah loo soo gudbiyo.
Kooxo badan oo Yurub ah – oo ay ku jiraan Arsenal, Juventus iyo Manchester United – ayaa xiiseynaya weeraryahanka reer Sweden.
Ilo-wareedyo ku dhow laacibka ayaa sheegaya in Gyökeres uu doorbidayo ku biirista Arsenal, hase yeeshee Gunners ayaan weli dalab rasmi ah ka gudbin, iyagoo u arka in qiimihiisa €75 milyan uu aad u sarreeyo.
Sporting CP ayaa ku adkeysanaysa inay helaan lacagta ugu badan ee suurtagalka ah weeraryahankooda 27-jirka ah, taasoo keentay khilaaf u dhexeeya ciyaaryahanka iyo kooxda.