Haaland Oo Hogaaminaya Saxiixyadii Uu Erik Ten Hag Iska Diiday In Uu Keeno United Suuqii Xagaaga

0
11

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa iska diiday Liis 5 xiddig ah oo ay Man United doonaysay saxiixooda intii uu furnaa suuqii kala iibsiga xagaaga.

Bilowga Erik Ten Hag ee Man United ayaa ahayd mid adag iyada oo tababaruhu la tacaalay dhibaatooyin badan oo garoonka gudihiisa iyo dibadiisa ah.

Man United ayaa si xun ku bilaabatay suuqii xagaaga iyaga oo aan wax saxiixyo ah samayn bilhii ugu horeeyay ee suuqii xagaaga taas oo wal-wal ku dhalisay taageerayaasha kooxda.

Sida laga soo xigtay Daily Mirror tababare Erik Ten Hag ayaa sabab u ahaa in ay Man United si xun ku bilaabato suuqii xagaaga.

Erik Ten Hag ayaa diiday dhamaan xiddigihii ay Man United qorshaysay in ay u dhaqaaqdo saxiixooda sabab la xidhiidha in uuna ku qancsanayn awoododa ay kula qabsan karaan qaab ciyaareedkiisa.

Xiddigaha Erling Haaland, Josko Gvardiol, Konrad Laimer, Christopher Nkunku iyo Aurelien Tchouameni ayaa ah xiddigaha ay Man United doonaysay in ay suuqii xagaaga la soo saxiixato.

Laakiin Ten Hag ayaa diiday markii uu tababaraha u noqday kooxda Man United taas oo keentay in ay kooxdu ku dhibaatooto in ay hesho saxiixyada uu tababaruhu doonayo.