Haaland oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha ee horyaalka Premier League

0
235

Baladweyne (Radio Beerlula)-Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Erling Haaland ayaa ku guulaystay abaal-marinta ciyaartoygii ugu fiicnaa bishii August ee horyaalka Premier League.

Haaland waxa uu ku guuleystey abaal-marinta ciyaaryahanka bisha ee Premier League, kaddib markii uu ku garaacay, xiddigihii kula tartamayey ee kala ahaa Pascal Groß, Gabriel Jesus, Aleksandar Mitrović, Martin Ødegaard, Nick Pope, Rodrygo, Rodrigo iyo Wilfried Zaha.

Xiddiga reer Norway ayaa bishii August isaga oo xiran maaliyada Manchester City, wuxuu goolal ka dhaliyay kooxaha Newcastle United, West Ham United, Crystal Palace iyo Nottingham Forest, wuxuuna caawiye ka ahaa gool laga dhaliyay Bournemouth.

22-sano jirkaan ayaa dhaliyay 9 gool 5-tii kulan ee ugu horeysay ee uu la ciyaaray Manchester City, horyaalka Premier League.