Hadal Uu Yiri Kabtanka Man Utd Bruno Fernandes Oo Carro Ku Abuuraya Taageerayaasha United.

0
12

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Xidiga khadka dhexe ee Man United ahna kabtanka kooxdaas ee Bruno Fernandes ayaa sheegay inuu doorbidayo u ciyaarida xulkiisa Portugal markii loo eego kooxda Man United wakhti xaadirkan, tan oo noqon karta hadal ka caraysiiya taagerayaasha kooxda Man United.

Bruno ayaa sheegay in wakhti xaadirkan xaalada kooxda United aysan ahayn mid wanaagsan, kooxda tababare Ten hag ayaa ku jirta kaalinta 14aad todoba kulan oo ilaa haatan la ciyaaray horyaalka, halka ay keliya 2 dhibcood ka heleen tartanka Europe League oo ay ciyaareen 2 kulan.

Kadib xaalada adag ee ka taagan kooxdiisa United xidigan ayaa aaminsan soo aadista xulkiisa Portugal in ay tahay mid u wanaagsan isaga.

Bruno” ma ahan xaalad wanaagsan, ma badineyno kulamada xaalada xulka qarankuna wey ka duwantahay.

” waxaan dareemaya fudayd halkan, isfahamku wuu fiicanyahay, waxaan jooga wadankaygii, waxan ku hadlayaa luuqadaydii, waxaana heysta cunto wanaagsan, waxaan soo bandhigaa heer wanaagsan xulka.”

” waa meel aan ku dareemayo wanaag, oo aan ku dareemayo inaan ku raaxaysan karo kubadayda heer aad u sareeya, marka loo eego isfahamka naga dhaxeeya iyo tayada ciyaartoyda dhinacayga aan ku haysto.”

Bruno oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi” waxaan doonaya inaan goolal sameeyo, waayo waxaan ahay anigu khad dhexe oo goolal dhaliya, waana sida aan samaynayey sanadihii lasoo dhaafay.”

” waa inaan sameeya waxa la iiga bartay iyo heerkii la iga doonayey, waayo weli ma aanan dhalin gool kooxda xili-ciyaaredkan, waxaan rajaynaya marka aan ku laabto kooxda inaan gool dhaliyo oo kooxda ka caawiyo inay kusoo noqoto wadada guulaha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here