Baladweyne (Radio Beerlula)- Garaadka Macmalka ah ayaa awood u leh in uu abuuro xogo cusub sida qoraallo, farshaxan, sawirro, codad, iyo muuqaallo. Tusaale, waxa uu awood u leeyahay in uu allifo miraha hees cusub, laxameeyo, ka dibna ku luqeeyo.
Waxaa jira dhawr nuuc oo ah Garaadka Macmalka ah ee Hal-abuurka leh sida ChatGPT, Bard, Midjourney, iyo DALL-E.
Garaadka Macmalka ah ee Hal-abuurka leh waxaa loo kaashan karaa curinta xogaha, diyaarinta dukumiintiyada, qoridda iyo falanqaynta warbixinnada, naqshadeynta sawirrada, sameynta barnaamijyada kumbuyuutarka, saadaalinta timaadada, talabixinta, xallinta mushkiladaha, iyo in uu si otomaatig ah ugu adeego macaamiisha shirkadaha.
Saameynta taban ee Garaadka Macmalka ah waxaa ka mid ah in uu suuqa ka saari karo xirfadlayaal badan, maadaama uu shaqooyinkooda inta badan uu qabanayo