Hal gabar oo ku dhimatay waadiga Harar ee duleedka Baladweyne iyo caruur la soo badbaadiyay.

0
208

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ugu yaraan hal gabar oo yar ayaa ku dhimatay, afar caruur oo kalana waa laga soo badbaadiyay kadib markii ay ku dheceen waadi laga qodo carada lagu dhiso guryaha oo ku yaalla deegaanka Hiiraan Bile ee duleedka Magaalada Baladweyne.

Waadigan oo lagu magacaabo Harar ayaa waxaa xiligan dhax fadhiya biyo ka dhashay roobabkii ka da’ay deegannada waqooyi ee Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.