Halkii su’aal ee imtixaanka jaamacaddaha kuuriyadda Koonfureed oo la kala siistay $350 dollar.

0
167

Baladweyne (Radio Beerlula)-Booliiska Koonfur Kuuriya ayaa soo jeediyay in ilaa 100 qof lagu soo ooggo dacwad, kuwaasoo lagu eedeeyay inay iibiyeen ama si sharci darro ah ku heleen su’aalo la xidhiidha imtixaanka sannadlaha ah ee gelitaanka jaamacadaha.

Dad badan oo la tuhunsan yahay ayaa dhammaan ah macallimiin hadda shaqeeya.

Booliisku waxay sheegeen in macallimiintu ay qoraan su’aalaha imtixaanka kadibna si qarsoodi ah ugu iibiyaan goobo bixiya casharro gaar ah — kahor inta aysan ardaydu gelin imtixaanka.

Halkii su’aal ayaa lagu iibiyay lacag dhan $350.

Imtixaanka sannadlaha ee jaamacadaha Kuuriya ayaa ah mid adag oo tartan ahaanna ay ardaydu kala kulmaan culays laxaad leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here