Halyeygii kubadda cagta reer Brazil ee Pele oo geeriyooday

0
140

Baladweyne (Radio Beerlula)-Halyeygii xulka qaranka Brazil iyo kubbadda cagta ee Pele, ayaa geeriyooday kaddib markii uu xanuun la ildarnaa isagoo jira laba 82 sano.

Halyeyga ayaa sannadihii u dambeeyay la dhibtoonayay xanuunka kansarka, kahor intaysan xaaladdiisa ka sii darin dhawaan, waxaana loo gudbiyay isbitaalka, wax yar kahorna waxaa la shaaciyay inuu ku geeriyooday dalkiisa hooyo ee Brazil.

Intii lagu guda jiray sannadihii xirfadiisa kubadda cagta, halyeeygu wuxuu gaaray guulo badan, kuwaas oo ugu caansan oo hubaal ah inuu ku guuleystay Koobka Adduunka saddex jeer sanadihii 1958, 1962 iyo 1970.

Pele ayaa u soo ciyaaray kooxda kooxda reer Brazil ee Santos intii u dhaxaysay 1956 iyo 1975, kahor inta uusan ku biirin horyaalka Mareykanka intii u dhaxaysay 1975 iyo 1977, isaga oo u ciyaaray kooxda Cosmos.

Xirfadiisa caalamiga ah, halyeyga ayaa 92 kulan oo caalami ah kala soo muuqday xulka qaranka Brazil, isagoo u dhaliyay 77 gool.

Pele ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’ada yaraa ee ku guueystay Koobka Adduunka, wuxuuna la qaaday xulka qaranka Brazil isagoo 17 sano iyo 249 maalmood jir ah, koobkii adduun ee la qabtay sanadkii 1958-dii