Hansi Flick Oo Wax Ka Bartay Casharkii Qoomu-Luuska, Fariin Ayuu U Diray Xiddigaha Xulkiisa.

0
136

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha xulka qaranka Germany Hansi Flick ayaa xiddigihiisa u sheegay in ayna dib dambe ugu doodin dadka qoomu-luudka ah sidii dhacday koobkii adduunka.

Xiddigaha xulka Germany ayaa mudaharaad ay kaga soo hor jeedeen diidistii loo diiday calaamada qoom-luudka sameeyay mudaharaad ka hor kulankii Japan iyaga oo afka is qabtay.

Laakiin xulka Germany ayaan meel fog ka gaadhin koobka adduunka iyaga oo wareega Group-yada kaga hadhay koobkii adduunka ee ka dhacay Qatar.

Xidigaha xulka Germany ayaa dhaleecayn xoogan kala kulmay tageerayaasha iyaga oo loo sheegay in ay diirada saaraan ciyaarista kubada cagta iyo gaadhista guulaha.

Flick oo u muuqda mid cashar ka bartay dabaal-dagii iyo mudaharaadkii ay sameeyeen xiddigihiisu ayaa u sheegay in ayna mar dambe u doodnin qoomu-luudka isla markaas diidrada saaraan ciyaarista kubada cagta”.

“Kubada cagta waa la siyaaasadeeyay, xiddigeheenu waa in ay muhiimada siiyaan ciyaarista kubada cagta”.

“Waxa noo fiican in ay xiddigaha xulka Germany kaliya ciyaaraan kubada cagta isla markaas siyaasada iyo arimaha kale u dhaafaan dadka kale ee ku tababartay”ayuu sii raaciyay.