Harry Maguire Hooyadiis Oo U Adkeysan Weysay Xadgudubka Lagula Kacayo Wiilkeeda

0
66

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Harry Maguire hooyadiis ayaa ku tilmaantay xadgudubka lagula kacay difaaca Manchester United iyo England ‘wax laga xishoodo ah oo aan gabi ahaanba la aqbali karin’.

Maguire ayaa badel ku soo galay waqtigii nasashada kulankii England ay 3-1 kaga badisay Scotland fiidnimadii Talaadada, waxaana ku jeesjeesay taageerayaasha Scotland iyo Ingariiska mar kasta oo uu kubada taabto.

Gareth Southgate waxa uu aad uga cadhooday sida loo dhaqmay Maguire, kaas oo gool iska dhaliyay ciyaartaas, waxaana ku eedeyay ‘nacasiin’ warbaahinta Ingiriiska ka shaqeeya inay abuureen ajande ka dhan ah daafaca.

Maguire hooyadii, Zoe, waxay ku jirtay dadkii badnaa ee ku sugnaa garoonka Hampden Park waxayna aaminsan tahay in sida wiilkeedu loola dhaqmayo inay wax ka baxsan kubada cagta iyo xafiiltankeeda.

Hadalka Zoe Maguire, oo la soo dhigay Instagram-ka, ayaa u dhignaa: ‘Hooyo ahaan markaan arkay heerka faallooyinka xun iyo aflagaadada ah ee uu wiilkaygu ka helayo qaar ka mid ah taageerayaasha, khubarada iyo saxaafaddu waa wax laga xishoodo oo oo gebi ahaanba aan la aqbali karin nooc kasta oo nolosha ah. Maba ku si jirto in sidaas loo galo qof u dadaalaya naadigiisa iyo wadankiisa.

“Waxaan ku sugnaa garoonka sida caadiga ah, ma ahan wax la aqbali karo wixii dhacay.

“Waan fahamsanahay in kubada cagta ay jirto kor u kac iyo hoos u dhac, wanaag iyo xumaan laakiin sida Harry loo galayo way ka fogaatay kubadda cagta. Ma ahan sax inaan arko xaalada uu ku jiro sida loola dhaqmayo.

“Ma jeclin inaan arko waalid ama ciyaartooy kale oo sidaan loola dhaqmayo mustaqbalka, gaar haaan wiilasha iyo gabdhaha ka soo baxaya akadeemiyada. Harry wuu qalbi wanaagsan yahay, maskax ahaana wuu xoogan yahay, wuxuu arintaan u mareynayaa si ka fiican sida dadka kale. Cidna lama jecli inay wajahdo xadgudubkaan oo kale.”