Haween fursado shaqo ka helay mid ka mid ah shirkadaha Baladweyne.

0
118

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shirkadda Tiyaanis qeybteeda Baladweyne ayaa fursado ganacsi u abuurtay qaar kamid ah haween Baladweyne kuwaasi oo ka-kala yimid afarta xaafadood ee magaalada waxaana haweenkan ay ka shaqeeyaan, iibinta dawooyin dabiiciga ah oo ay shirkadda sameysay iyo ineey keenaan dadkale waxaana haweenkan usoo dhaca bishii ama isbuucii lacago ku qiimeeysan shaqadii ay qabteen iyagoo sidoo kale la siiyo tababaro ku saabsan ganacsiga .

Haweenkaan ayaa shaqadaan kaga maarmay shaqo la.aantii haaysay.

Warbixintaan waxa soojeedinaysa Sacdiyo Maxamed Maxamuud.