Haween ku nool Baladweyne oo bartay xirfada dhar tolista oo shahaadooyin la guddoonsiiyay.

0
305
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ururka haweenka gobolka Hiiraan oo kaashanaya hay’adda UNIDO ayaa  shahaadooyin guddoonsiiyay sideed haween ah  oo ku nool magaalada Baladweyne islamarkana  bartay xirfadda dhar tolista kuwaasoo muddo dhan 26 maalmood baranayay xirfaddan.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte  ayaa radio Beerlula u sheegtay inay ku rajo weyn tahay in haweenkan xirfadda ay marteen ku mareyn doonaan noloshooda.

Nasteexo Cabdi Cali oo ka mid ah macalimiinta haweenka baray xirfadda dhar tolista ayaa sheegtay in haweenkan ay nolosha reerkooda ku dabari doonaan xirfadda ay barteen.

Qaar ka mid ah haweenka bartay xirfadda dhar tolista ayaa radio Beerlula u sheegay in xirfaddan  ay barteen ay ku shaqeysan doonaan.

Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here