Haween timaha laga xiiray kaddib markii ay iska caabiyeen rag doonayay inay kufsadaan

0
407

Baladweyne(Radio Beerlula)- Labo qof ayaa lagu xiray gobolka Bihar ee Hindiya kaddib markii koox rag ah ay timaha ka xiireen labo haween ah oo diiday inay kufsi u geystaan.

Waxaa la sheegay in sababta ay timaha uga xiireen ay tahay inay ciqaab uga dhigayeen tallaabadaas.

Kooxdan dhibaatada u geysatay haweenka ayaa waxay isugu jireen kuwo ka tirsanaa saraakiisha maxalliga ee gobolkaas, waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen hooyo iyo gabadheeda oo ku sugnaa gurigooda si ay u kufsadan, sida ay sheegeen booliska Hindiya.

Markii ay haweenka iska caabiyeen raggii doonayay inay kufsadaan, weerar ayay ku qaadeen waxaa ay timaha ka xireen haweenkaas xilli ay joogeen tuuladooda.

Booliska waxay sidoo kale sheegeen inay baadigoobayaan shan qof oo kale oo lala xiriirinayo dhacdada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here