Haweenay marka ay xanaaqdo biro liqi jirtay oo isbitaal la dhigay

0
343

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dhakhaatiirta dalka Hindiya ayaa caloosha haweenay ka soo saaray waxyaabaha la isku qurxiyo ee haweenku ay xirtaan iyo lacag qadaadiic ah.

Haweenaydan ayaa ku nooleyd gobolka galbeedka Bengal.

Qalliin qaatay muddo saaacad ah ayaa waxaa caloosha haweenaydan laga helay Dhaga-dhago,Katiinado iyo waliba lacag qadaadiic ah.

Waxaa sidoo kale haweenaydan caloosheeda laga soo saaray saacada la xirto.

Haweenaydan ayaa isbataalka loo qaaday ka dib markii ay dareentay calool xanuun iyo lalabo.

Markii isbataalka la geeyay ayay dhakhatiirta saareen Raajo markasi oo la ogaaday dhibaatada haysata.

Haweenaydan ayaa la sheegay in ay liqi jirtay qalabkan mar walba oo ay xanaaqdo.

Dhakhaatiirta ayaa waxay sheegeen in qalabkan ay u badan yihiin maar iyo macddan islamarkana qaar ka mid ah ay Dahab yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here