Haweenay Ruush ah oo sumaysay gabadh Maraykan ah si ay isaga dhigto.

0
115

Baladweyne(Radio Beerlula)-Haweeney u dhalatay dalka Ruushka ayaa lagu xukumay magaalada New York ee dalka Mareykanka, kadib markii lagu helay dambi ah inay qorsheyneysay inay disho haweenay ayada u eg si ay u adeegsato aqoonsigeeda.

Nessi Rova ayaa lagu xukumi doonaa bisha soo socota kiiskan, iyadoo wajihi karta ilaa 25 sano oo xabsi ah.

Sannadkii 2016-kii, haweenay u dhalatay dalka Ruushka oo lagu magacaabo Victoria Nesseva ayaa sun dilaa ah ku dhex dartay toorto si ay u disho Olga Tsvek oo ah haweenay quruxda dumarka ku taqasustay, balse Tsvek ayaa si mucjiso ah uga badbaaday.

Markii ay isbitaalka ka soo laabatay daawaynta ka dib, waxay ogaatay in la xaday warqadaheedii aqoonsiga.
Marka Nessi Rova ay isku dayaysay inay disho Olga Tsvek, waxay ahaayeen dumar meelo badan isaga eg. Labaduba waxay lahaayeen timo madow iyo midab isku mid ah, labaduba waxay ahaayeen dumar ku hadla luqadda Ruushka.

Dhanka maxkamadeynta, xeer ilaaliyaha degmada Queens Melinda Katz ayaa hadalkeeda ku sheegtay in ‘ xeerbeegtida ay si taxadar leh u baareen shirqoolka lagu dilay dhibbanaha, nasiib wanaag dhibbanaha waa badbaaday, suntiina waxay fududeysay in la helo dambiilaha’.