Haweeney 35 jir ah oo noqotay hooyada ugu carruurta badan Nigeria.

0
166

Baladweyne (Radio Beerlula)-Haweenaydan ayaa laba jeer ilmo mataano ah dhashay, kaddibna waxay ilmo dhashey sagaal jeer oo markiiba mid kali ah, waxaana ay haatan umushay shan isku mar ah, taasoo tirada guud ee ilmaha ay dhashay ka dhigeysa 18 caruur ah.

Haweeneyday ayaa sheegtay inaysan jirin wax isbeddel ah oo ay dareentay ama ay filaysay inay umuli doonto wax ka badan hal cunug.

Waxay intaa ku dartay inaysan u tagin dhakhtar waligeed inta ay ilmaha uurka ku sido, sidaas darteedna ay guriga uga dhaliyaan umulisooyin, kaddibna markii ay umusho la geeyo isbitaalka guud ee Funtua, si loo hubiyo caafimaadkeeda iyo kan ilmaha yar.