Haweeney 75 sano jir ah oo guursatay wiil 16 sano jir ah oo ay korineysay.

0
45

Baladweyne (Radio Beerlula)-Haweeney da’deeda lagu qiyaasay 71 sano ilaa 75 sano jir oo u dhalatay dalka Indonesia ayaa guursatay wiil 16 ah oo ay dar yeelaysay.

Arrintan ayaa soo ifbaxday kadib markii uu baahay muuqaal laga duubay arooskooda.

Marka la eego sharciga dalkaas, guurka dadka loo aqoonsan yahay caruurta ayaan la ogolayn, balse lamaanaha ayaa sheegay inay isdilayaan haddii aan loo ogolaan inay isguursadaan, taas oo sababtay in markii dambe ay masuuliyiinta tuuladoodu ogolaadeen in la isu guuriyo balse aan lagu diiwaan gelin galka dawladda ee qoysaska is qaba.

Sida uu qabo sharciga Indonesia, da’da ugu hooseysa ee gabadhu ku guursan karto waa 16 halka da’da ugu yar ee ay wiilashu ku guursan karaan ay tahay 19.

Wiilkan ayaa magaciisa lagu sheegay Salamat halka da’da xaaskiisa Rohaya ay u dhaxeyso 71 ilaa 75 jir.