Haweeney “boolis iska dhigeysay”oo la soo xiray kadib markii ay telefishin ka soo muuqatay

0
138

Baladweyne (Radio Beerlula)- Haweeney u dhalatay dalka Kenya oo la sheegay in ay tahay siyaasi ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay in ay iska dhigtay haweeney booliis ah xilli ay ka soo muuqatay barnaamij dood ah oo ka baxayay mid kamid ah telefishinada maxaliga ah.

Eedeysanaha oo ay booliisku ku magacaabeen Monica Wamaitha Gitau, ayaa ku labisneyd dharka bilayska oo buuxa markii ay saaka ka qeyb galeysay barnaamij dood ah.

Bilayska ayaa haweeynedan soo xiray iyada oo joogta xarunta TV-ga, ka dib markii ay ay ogaadeen in Ms Wamaithai, aysan sarkaal boolis aheyn.