Haweeney buug ka qortay ‘sida ragga loo dilo’

0
55

Baladwayne (Radio Beerlula )-Waxaa lagu helay inay dil gaysatay, horayna waxay buug uga qortay sida wax loo dilo.

Garsooraha gobolka Oregon ee dalka Mareykanka ayaa Nancy Crampton Brophy, oo ahayd haweeney qoraa ah ku riday xukun, kaddib markii lagu helay dambiga dilka ah. Haweeneydan waxay caan ku ahayd qoridda buugaag xiiso leh oo ay uga hadasho arrimaha qoyska.

Fal-dambiyeedka ay Nancy gashay in dabagal iyo baaritaanba lagu sameeyo waxaa sabab u noqday buug ay qortay oo ay cinwaan uga dhigtay ‘Sida ninkaaga loo dilo’, waxaana lagu xukumay xabsi ah cimrigaa ha-ku-furto, maaddaamaa lagu helay inay seygeeda toogasho ku dishay.