Haweeney fanaan ah oo kamid noqotay bilyaneerada adduunka ugu lacagta badan

0
195

Baladweyne (Radio Beerlula)-Rihanna ayaa haatan si rasmi ah u noqotay bilyaneer iyo weliba haweenayda ugu qanisan dumarka heesa ee caalamka, sida lagu sheegay wargeyska Forbes.

Xiddigtan heesta ayaa waxa ay haysataa hanti gaaraysa $1.7 bilyan (£1.2 bilyan), iyadoo la qiyaasayo in $1.4 bilyan ay ku fadhiso shirkadeeda sameesa alaabaha ay haweenka isku qurxiyaan ee Fenty Beauty.

Dhaqaalaheeda kale waxa uu inta badan ka yimid shirkaddeeda dharka hoosta laga xirto, Savage x Fenty, taas oo lagu qiyaasay $270 milyan, iyo lacagaha ay ka hesho heesaha iyo jilliinka.

Waxa ay kaalinta labaad ugu jirtaa Oprah Winfrey oo ah haweenayda ugu qanisan dumarka caalamka ee madadaalada sameeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here