Haweeney ku xoolo beeshay abaartii ku dhufatay gobolka Hiiraan oo ganacsi yar ka furatay Baladweyne.

0
108

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Faadumo Abshir Dhoore oo ka mid ah haweenka degan kaamka doonguduud ee magaalada Baladweyne islamarkana abaarta ka jirta gobolka uga soo hayaantay deegaanka Bukure ee gobolka Hiiraan ayaa kaamka ay degan tahay ka dhax furatay ganacsi yar oo ay ku mareyso nolol maalmeedka qoyskeeda.

Ganacsigan yar ayay ka mareysa nolol maalmeedka 10 caruur ah oo iyada ay dhashay iyadoo sidoo kale ka bixisa waxbarashada iyo caafimaadkooda.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.