Baladweyne (Radio Beerlula)-Kasibba ah gabar qabta xanuunka Autism-ka oo ay dhibaato ka haysato dhanka wax barashada, ayaa si khalad ah ugu xirnayd isbitaal dhimirka oo ku yaalla dalka Ingiriiska muddo dheer oo sanooyin ah. Waxaa la geeyey ayadoo 7 jir ah, haddeerna waa 50 jir.
Haweeneydan ayaa u dhalatay dalka Sierra Leone, waxaana magaca Kasibba ay mas’uuliyiinta dalkaasi ugu bixiyeen ammaankeeda, waxaana sidoo kale lagu khasbay in muddo 25 sano ah ay ku jirto xabsi kaligeed ah.
Kasibba oo 7 jir lagu geeyey xarunta caafimaadka ayaa waxa ay weyday awood ay ku hadasho, mana jirin qoys ka caawiya in ay ka hadasho xaaladeeda dhinaca caafimaadka.
Mid ka mid ah khubarada cilmi nafsiga ayaa sheegay in ay qaadatay sagaal sano si looga saaro deegaankaas.
Waaxda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee UK ayaa BBCda u sheegtay in xaaladda dad badan oo lixaadkoodu dhiman yahay ay weli ku jiraan isbitaallada dhimirka ay tahay mid aan la aqbali karin, dib u habeyn lagu sameeyo shuruucda caafimaadka dhimirkana ay ka hortagi doonto dhibaatadaas.
In ka badan 2,000 oo qof oo qaba autismka iyo dadka naafada waxbarashada qaba ayaa weli ku jira cisbitaalada dhimirka ee UK. Waxaa la sheegay in ku dhawaad 200 oo ka mid ah ay yihiin carruur.