Haweeney oo markii ugu horeysay raysal wasaare ka noqotay dalka Nepal.

0
68

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Sushila Karki, oo ku dhalatay xeebaha Shankarpur, sanadkii 1952-diii ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee ra’iisal wasaare ka noqota dalka Nepal.

Karki waxay ka dhalatay qoys xiriir dhow la lahaa qoyska siyaasadeed ee Koirala, oo ka tirsan xisbiga ugu weyn ee dimuqraadiga ah ee dalka – Nepali Congress.

Waxbarashadeedii jaamacadeed waxay ka bilowday Jaamacadda Tribhuvan, halkaasoo ay ku qaadatay shahaadada heerka kowaad oo ay ka dhamaysay Mahendra Morang College sanadkii 1972.

Intaas kadib, waxay u safartay Hindiya si ay u barato cilmiga siyaasadda, waxaana sanadkii 1975 lagu siiyay shahaadada Master’s ee cilmiga siyaasadda oo ay ka heshay Jaamacadda Banaras Hindu University.

Markas ka dibna waxay ku soo laabatay Jaamacadda Tribhuvan si ay u barato sharciga, waxayna ka qalin jabisay sanadkii 1978-dii.
Dalkan yar waxaa muddo qarniyaal ah soo maamulayey nidaam boqortooyo kaas oo ay ka xuubsiibteen sanadkii 2008-dii markaas oo dalku qaatay nidaamka Jamhuuriyadda Dimuqradiga ee Nepal.

Muddo toddobaadyo ah waxaa hareeyey dalka Nepal dibad-baxyo waaweyn oo ay dhigayeen jiilka dhalinyaro dhashay sagaashamayeeadii ilaa 2012-kii kuwaas oo ka kacay musuq baahsan oo ragaadiyey hay’addaha dowladdda.

In ka badan konton qof ayaa ku dhintay iska hor imaadyo dhex maray dadweynaha mudaharaadayay iyo booliiska rabshadaha joojiya intii lagu jiray mudaharaadyadii ballaarnaa ee toddobaadkan, kuwaasoo ka dhashay xayiraad lagu soo rogay baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here