Haweeney taliye ah oo xabsiga ka sii deysay nin xiriir jaceyl kala dhexeeyay.

0
61

Baladweyne (Radio Beerlula)- Haweeney madax ka ah xabsi ku yaalla dalka Ingiriiska ayaa maxkamad la soo taagay iyada oo ku eedaysyan in ay xabsiga ka sii daysay nin ka ganacsada daroogada oo ay xiriir jaceyl la yeelatay, kadib markii uu siiyay baabuur Mercedes ah oo qiimihiisu yahay £12,000.

Kerri Pegg, oo 42 jir ah, ayaa loo arkayay xubin firfircoon iyada oo u dallacday shaqooyin dhowr ah ilaa ay ugu dambayn noqotay taliyaha xabsiga.

Laakiin waxaa lagu eedeeyay in jabisay xeerarka kaddib markii ay xidhiidh la bilowday maxbuus Anthony Saunderson, kaasoo siiyay gaadhi qaali ah, xilli ay madax ka ahayd xabsi ku yaalla magaalada Lancashire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here