Haweeneydi ugu horreysay oo raysal wasaare ka noqotay Japan

0
94

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Baarlamaanka Japan ayaa u doortay Sanae Takaichi raysal wasaaraha dalkaas, taas oo noqoneysa haweeneydii ugu horreysay ee raysal wasaare ka noqota dalka.

Marwo Takaichi oo hoggaamisa Xisbiga Dimuqraadiga Libaraalka ee talada haya, ayaa heshay aqlabiyadda codadka labada Aqal ee baarlamaanka.

Waxaa la dhaarin doonaa fiidnimada Talaadada, ka dibna waxaa la filayaa inay soo dhisato xukuumaddeeda.

Wariye ka tirsan BBC ayaa sheegay in Marwo Takaichi ay tahay muxaafid adag oo aan lagu aqoon inay ku inay tix geliso xuquuqda haweenka.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in doorashadeeda ay tahay isbeddel xeeladaysan oo ay samaysay LDP si ay uga hortagto xisbiga Sanseito ee garabka midigta fog oo sii ballaaranaya.

Caqabadaha degdegga ah ee ay wajaheyso waxay noqon doonaan wax ka qabashada sicir-bararka sare iyo qiimaha nolosha ee Japan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here