haweeneydii ugu horreysay ee madow ah oo loo dhaariyo Maxkamadda Sare Mareykanka.

0
192
WASHINGTON, DC - APRIL 04: U.S. Supreme Court Nominee Ketanji Brown Jackson meets with Sen. Mark Warner (D-VA) on Capitol Hill, April 04, 2022 in Washington, DC. The Senate Judiciary Committee is meeting today to hold a vote on the nomination of Jackson. If approved by the Committee the full Senate is expected to vote later this week. (Photo by Kevin Dietsch/Getty Images)

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kitangi Brown-Jacksonayaa loo dhaariyay inay noqoto garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Mareykanka, taasoo taariikhda ka dhigaysa haweenaydii ugu horreysay ee madow ah ee ka mid noqota hay’adaha garsoorka ee ugu sarreeya Mareykanka.

Jackson, oo 51 jir ah, ayaa ku biirtay kooxda bidixda ah ee maxkamadda oo aqlbiyad ahaan leh 6-3. Dhaarinteeda ayaa imaaneysa iyada oo madaxweyne Joe Biden uu ku beddelay garsooraha hawlgabka ah ee Stephen Breyer, waxayna ka mid noqoshadeedu imaaneysaa lix maalmood kadib markii ay maxkamaddu laashay sharcigii Roe v. Wade ee dumarka Mareykanka u oggolaanayay ilmo iska soo rididdka.