Haweenka ku ganacsa jiray xeryaha barakacayaasha oo saameyn kala kulmay fatahaadda webiga shabelle

0
168

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Haweenkan oo ku ganacsa jiray qaar kamid ah kaamamka barakacayaasha ah ee ku yaalla xaafadda Buunda-weyn ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa saameeyay ganacsigooda fatahaadda Wabiga Shabelle.

Waxyaabaha haweenkan ay iibi jireen ayaa waxaa ka mid ah dhuxusha iyo qudaarta iyagoo oo nolosha qoysaskooda ku maareeyn jiray waxaana taas badalkeeda saameynta ay kala kulmeen fatahaadda keentay ganacigooda oo burburay iyo xaalad nolol xumo oo soo wajahday.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.