Haya’adda FOA oo baaq caalami ah kasoo saartay xaaladda Abaarta Geeska Afrika

0
198

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xafiiska  Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha FAO ayaa ku dhawaaqay si degdeg ah ugu baahan tahay 131.4 Milyan oo Doollar, si loogu caawiyo dad gaaraya 882,000 qof oo ku nool Geeska Afrika.

“Heerka maaliyaddu waa mid hoose” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay, iyadoo intaas ku dartay in dadaallada ka hortagga macluusha ay socdaan

“Ma sugi karno in macluusha lagu dhawaaqo; waa inaan hadda wax ka qabannaa si aan u ilaalino maciishada iyo nolosha,” ayey tiri FOA.