Baladweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan labaatan hay’adood oo gargaar oo ka shaqeeya Qasa ayaa ugu baaqay madaxda caalamka in ay tallaabo qaadaan ka dib markii guddi Qaramada Midoobay ay soo gabagabeeyeen baaritaan ay sameyeen isla markaana ay ku sheegeen in Israa’iil ay wado xasuuq.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladuhu ay adeegsadaan hab kasta oo siyaasadeed, sharci iyo dhaqaale oo suurtagal ah si ay u farageliyaan xaaladda cakiran.
Israa’iil waxay sheegtay in warbixinta Qaramada Midoobay ay ahayd mid dhinac u xaglinaysa.


