Hay’adda caafimaadka Adduunka oo ka deyrisay xaaladda ka jirta Qasa.

0
121

Baladweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan 100 hay’adood oo caalami ah iyo ururrada ka shaqeeya arrimaha gargaarka ayaa ka digay gaajo baahasan oo ka dillaacda Marinka Qasa, iyaga oo ugu baaqay waddamadu in ay tallaabo qaadaan.

Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in 21 caruur ay u dhinteen macaluul islamarlana ku dhawaad 2 malyan oo ruux ay ku xiran yihiin Qasa iyadoo ay socoto wali duqeynta israaiil.

Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku baaqay in la ilaaliyo dadka rayidka xubnaha u shaqeeya qaramada midoobay iyo kuwa caafimaadka isagoo sheegay in xarumaha gargaarka deg deg ah ay buuxsameen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here