Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka walaacsan ammaanka 130 bukaan oo ku jira isbitaalka Naasir ee ku yaalla Qasa, kaas oo la shaaciyay in aanu shaqeynin kadib weerar Israa’iil ku qaadday.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa qaadday laba hawlgal oo 32 qof oo Falastiiniyiin ah oo aad u xanuunsan lagaga soo wareejinayo dhismahaas.
Waxay sheegtay inaysan jirin korontoiyo biyo, iyo in wasakhda daawada iyo qashinka ay keenayaan khatar kale oo cudur ah.
Israa’iil ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay gargaar gaarsiinayaan si loo hubiyo in isbitaalka uu sii shaqeeyo inta ay weerarada ku hayaan Xamaas.

