Hay’adda mareynta masiibooyinka qaranka oo Baladweyne uga dhawaaqday qorshe looga gaashamanayo fatahaadaha.

0
126

Baladweyne (Radio Beerlula)- Guddoomiyaha hay’adda mareynta masiibooyinka qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle oo ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hay’adda mareynta masiibooyinka iyo dowladda federaalka ay wadan qorshe looga gaashamanayo fatahaada webiyada islamarkana looga faa’ideysanayo biyaha ka dhasha roobabka si xiliga jiilka loo isticmaalo.

Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa tilmaamay in daba gal lagu sameyn doono mashariicda biyo xireennada islamarkana ay soo wadan mashariic kale kuwaasoo qeyb ay ka yihiin waro waa weyn oo lagu keydiyo biyaha.

Dhanka kale guddoomiyaha hay’adda mareynta masiibooyinka qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in gurmadkii ka socday dowladda federaalka la soo gaarsiiyay gobolka Hiiraan islamarkana gurmad kale oo loogu talo galay bulshada ku nool gobolka.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.