Hay’adda MSF oo soo saartay warbixin ku saabsan xaaladda Gaza.

0
58

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Warbixin cusub oo ay soo saareen dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ee MSF ayaa lagu sheegay in ay jiraan calaamado cad oo muujinaya in ciidanka Israel ay ku dhaqaaqeen isir sifeyn lagu hayo dadka reer Falastiin ee ku sugan dhulalka la heysto ee Gaza.

Warbixintaan oo cinwaan looga dhigay Dabinka dhimashada Gaza ama shirqoolka dhimashada ee Gaza waxaa soo gudbiyay dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ee qeybta Fransiiska MSF.

Hey’adda ayaa sheegtay in dadka Falastiiniyiinta lagu hayo duqeymo aan dgammaad laheyn,isla markaana la burburiyay cisbitaaladii halkaasi iyo kaabayaashii biyaha ee deegaanada Gaza.

Dagaalka Israa’iil ee Gaza waxa uu dilay ugu yaraan 45,129 ,halka uu dhaawac ka soo gaaray 107,338 ,laga soo bilaabo 7 Oktoobar ee 2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here