Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo xaruun saddaxaad ka furatay degmada Dayniile

0
219

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Amniga Gudaha Abdullaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow ayaa xariga ka jaray dhismaha Xarunta 3-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xilidhibaano, Agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Janaraal Abdullaahi Gaafow, Gudoomiyaha Degmada Dayniile Sheikh Cumar maxamuud Mahadalle iyo bulshada qeybaheeda kala duwan

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here