Hay’adda SODMA oo deeq gargaar ah ku wareejisay maamulka isbitaalka Laansaleeti ee Muqdisho.

0
121

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa shixnad gargaar ah ku wareejisay Maamulka sare ee isbitaalka Danta Guud ee Laansaleeti, si bukaanada ku jira qeybaha kala duwan ee isbitaalkaan loogu kariyo.

Madasha lagu wareejinayay gargaarkaan ayaa waxaa Goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA iyo maamulka isbitaalka Danta Guud ee Laansaleeti.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdinajiib Aweys Isaaq.