Baledweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalda Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dalku galay marxalad abaar oo adag, loona baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii Dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November.
Abaarta LaNina ee ka jirtaday dalkeenna wax ay saamaysay in ka badan 6 Malyan oo qof waxaana loo baahanyahay lacag gaareysa Hal Billyan iyo bar si gurmad loogu sameeyo dadka ay abaarta wax yeeleysay.”
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.