Hay’adda USAID oo joojisay gargaarkii cuntada ee ay siin jirtay Itoobiya.

0
94

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in hay’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID, ay go’aansatay inay joojiso cunnada mucaawinada ah ee ay siiso Itoobiya.

Tallaabadani, ayaa loo sababeeyey in cunnada mucaawanida ah loo adeegsaday arrimo kale, iyadoo aan gaarin dadkii looggu tala galay.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa afhayeenka ururkaasi, ayaa sheegtay in USAID ay go’aankan u gaartay sababo ka xiriira in “cuntadii mucaawinada ahayd ee la rabay in la gaarsiiyo shacabka Itoobiya, in loo isticmaalay xaddi badan oo kamid ah, wax ka baxsan ujeeddadii looggu talo galay”.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters, ururka RTDO oo sheegay in go’aankan ay la qaateen dawladda Itoobiya, ma sheegin dhinacyada ku lugta leh leexsashada raashinkan mucaawinada ah.