Hay’adda xuquuqda aadana ee Human Rights Watch oo colaadda Gaza ku tilmaamtay dambi dagaal.

0
51

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda xuquuqda aadana ee Human Rights Watch, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in amarrada daad-gureynta Israa’iil ee Marinka Qasa ay ka dhigan tahay “dambi dagaal” oo ah “barakac xoog ah.

Warbixinta oo ka kooban 154 bog,ayaa lagu yiri “Qof quus ah, gaajoonaya, u xayiran”: Barakacinta xoogga ah ee Israa’iil ee Falastiiniyiinta Qasa,” waxay muujinaysaa hab-dhaqanka maamulka Israel ee barakiciyay in ka badan boqolkiiba 90 dadka Qasa .

1.9 milyan oo Falastiiniyiin ah ayaa wajahaya burbura iyo barakac xooggan oo aan loo meel dayin 13-kii bilood ee la soo dhaafay.

“Human Rights Watch waxa ay ururisay caddaymo muujinaya in saraakiisha Israa’iil ay galayaan dembi dagaal”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here