Heegan oo guul muhiim ah kaga gaartay Horseed

0
348

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxaha Horseed iyo Heegan ayaa kulan xiiso badan kuwada qaatay gegada Weyn ee Banadir Stadium ciyaar qeyb ka aheyd horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ahaa mid xiisihiisa wata waxaana u soo daawasha tagay taageerayal aad u faro badan kuwaaso oo kala taageeryay labada kooxod.

Qeybtii hore kulanka ayaa lagu kala maray 1-0 ay hogaanka ku heeso kooxda Heegan waxaana goolka u dhaliyay ciyaaryahanka lagu magacaabo Igama sidaas ayaa lagu kala nastay dheesha.

Markii dib la isku soo laabtay kooxda Horseed ayaa weeraro badan ku qaaday wiilasha Heegan balse ma aysan u suurta galin in ay shabaqada gaaran oo ay iska soo gudan goolka lagu leeyahay, ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay guusha ku raacday kooxda ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan.

Horseed ayaa galabta la kulantay guuldaradii ugu horeysay horyaalka kal ciyaareedkan.

Guushan ay gaartay kooxda Heegan waxey ugu dhigan tahay in ay gashay kaalinta 2-aad ee kala sareynta horyaalka iyado leh 15-dhibcood halka Horseed ay leedhahay 14-dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here