Heshiis laga gaarayo dagaalka Qaza oo maraya heer gaba gabo ah.

0
68

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xukuumadda Maraykanka ayaa ku adkaysanaysa inay meel gebo gebo ah marayaan wadahadalada xabbad-joojinta ee dagaalka Qaza, iyada oo ay jiraan cabsi laga qabo, inay Iraan iyo xulafadeedu ay qaadaan weerar aargudasho oo ka dhan ah Israa’iil, ka dib dilkii gudaha Tehran loogu geystay hoggaamiyihii garabka siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyah.

Saraakiisha Maraykanka ayaa carrabka ku adkeeyey fariinta madaxweyne Biden uu u diray Salaasadii, ergada dhexdhexaadinta ee ku sugan Qatar, taas oo ah, in wadahadaladu “ay haatan marayaan heerkii ugu dambeeyey” ayna tahay in hore loo socdo, si heshiis rasmi ah loo gaadho.

“Waxaan runtii u maleyneynaa inaan ku jirno heerkii ugu dambeeyey ee qaabdhismeedka heshiiska,” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Matthew Miller.

Falanqeeyayaasha ayaase iyagu qaba, inay kala duwan yihiin rajada ka soo baxaysa xukuumadda Biden iyo xiisadaha sii kordhaya ee ka socda gobolka, xilli Iran ay wacad ku martay inay ka aargudan doonto dilkii ka dhacay caasimadda Tehran ee toddobaadkii hore lagu dilay hoggaamiyihii garabka siyaasadda ee Xamaas. Dilkan ayaa la aaminsan yahay inay ka dambaysay Isra’il.