Heshiiskii Barcelona Ee Joao Cancelo Oo Burburay Iyo Dhibaatada Haysata Kooxda Spain

0
116

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa waxa ay lumisay xiddiga ay saxeexiisa muddada u dhoweyd ee Joao Cancelo kaddib markii ay soo baxeen arrimo walwal leh oo muujinaya in dhaqaalaha naadigu aanu saamaxayn inay saxeexyo kale samayso.

Barcelona ayaa la sheegay in aanay helin lacago ay ka sugaysay maalgeliyeyaal taas oo keentay in madaxweyne Joan Laporta uu isticmaalo lacago uu isagu iskuii u leeyahay oo uu ku shubay bangiga naadiga isaga oo iskugu qoraya in kooxdu ka amaahatay.

Sida uu sheegay wargeyska The Athletic, Joao Cancelo oo isku diyaarinayay in uu u duulo waddanka Spain si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Barcelona, ayaa loo sheegay in kooxda reer Catalonia aanay haysanin lacag ay kula saxeexato.

Waqtiga uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoydu oo ay ka hadhsan yihiin wax ka yar 48 saacadood, ayaa waxa wali ay kooxdu la daalaa-dhacaysaa caqabadda dhaqaale ee kusoo baxay oo ay markii hore filayeen inay xallin doonaan shirkado ay heshiisyo maalgelin ah la saxeexatay.

Barcelona ayaa waxay hore u iibisay 30% saamiyada Barca Vision, taas oo ay ku helayeen lacag dhan 120 milyan oo Euro oo uu Laporta qorsheeyey inay ciyaartooyo cusub kusoo iibsadaan, hase yeeshee lacagtan ayaa dib uga dhacday, waxaanay kooxdu heli doontaa wixii ka dambeeya bisha October.

Arrintan ayaa waxay keentay in Barcelona ay ka walaacdo in ay awoodi weydo in loo diiwaangeliyo Joao Cancelo, waxaanay diideen inay galaan khamaarkii ay sameeyeen xagaagii hore oo saxeexyadoodii cusbaa ee Robert Lewandowski iyo Raphinha loo diiwaangeliyey wax ka yar 24 saacadod waqtiga uu horyaalku bilaabmayay.