Hindiya oo bilaha soo socda noqon doonta dalka ugu dadka badan dunida

0
216

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hindiya ayaa lagu wadaa in bartamaha sanadkan ay noqoto dalka ugu dadka badan caalamka, kaalintaas oo uu hadda ku jiro Shiinaha, sida lagu sheegay xog ay baahisay Qaramada Midoobay.

Tirada dadka Hindiya ayaa la filayaa in ay gaarto 1.4286 bilyan oo qof, taasooo 2.9 milyan qof ka badan doonta tan dalka deriska la ah ee Shiinaha.

Labadan waddan ee ku yaalla qaarada Aasiya ayaa todobaatankii sano ee la soo dhaafay waxaa ku noolaa in ka badan saddex meelood meel dadka caalamka.

Tirada ilmaha ku dhasha Shiinaha ayaa sanadkii tegay hoos u dhacday, arrintaas oo aan la arag tan iyo sanadkii 1961.

Warbixinta tirada dadka dunida ee ay soo saartay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan tirakoobka dadweynaha (UNFPA) ayaa lagu soo bandhigay saadaasha ah in Hindiya ay noqon doonto dalka ugu dadka badan caalamka.

Hindiya oo muddo 140 sano ah tobankii sano ba mar tirakoobi jirtay dadkeeda ayaa hakisay tirakoobkii sanadkii 2021 cudurka Covid-19 awgii, waxaana tirakoobkaas dib u dhacay la filayaa in la qabto sanadka 2024.

mas’uulka Qaramada Midoobay u qaabilsan tirakoobka dadweynaha, Patrick Gerland ayaa sheegay in ay adag tahay in si dhab ah loo ogaado tirada saxda ah ee shacabka Hindiya.

“Ma hayno tiro sax ah oo ay noo soo gudbisay dowladda Hindiya, saadaashu waxaan ku dhisnay qiyaas kala duwan,” ayuu yiri Gerland.

Tirada dadka Shiinaha
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xisaabta aanay ku darsan tirada dadka ku nool labada gobol ee Hong Kong iyo Macau oo hoos taga Shiinaha balse leh maamullo u gaar ah. Waxaa gobolladaas ku nool in ka badan 8 milyan oo qof