Hindiya oo tijaabisay hub casri ah oo Laysar ah.

0
159

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Saraakiil ku sugan Hindiya ayaa sheegay in ay ku guulaysteen tijaabinta hubka laysarka ah oo aad u awood badan,iyaga oo sheegay in hubkan casriga ah uu awood u yeelan doono in uu burburiyo gantaalada yar yar, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha lahayn.

Hay’adda cilmi-baarista difaaca ee Hindiya (DRDO), ayaa sheegtay in saynisyahannadeedu ay hubkan cusub ee laysarka ku tijaabiyeen gobolka Kurnool ee koonfurta gobolka Andhra Pradesh.

Sida laga soo xigtay, tijaabadan guusha leh, diyaarad aan duuliye lahayn oo hawada duuleysa ayaa lagu burburiyay fallaaro xoog leh oo loo adeegsaday hubka laysarka ah ee lagu rakibay baabuur yaala dhulka.

Hubkani laysarka ayaa loogu magac daray MK.

hubka laysarka ayaa waxaa horey u heystay Maraykanka, Ruushka iyo sidoo kale Shiinaha, Ingiriiska,Kuuriyada Koonfureed, Japan iyo Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here