Baladweyne(Radio Beerlula)- Maamulka Hirshabeelle ayaa markii ugu horeysay degmada Warsheekh ee gobolka shabeellaha dhexe ka daah furay dhismaha golaha deegaanka.
Xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle, maamulka degmada Warsheekh iyo ururada bulshada rayidka ayaa ka qeyb galay munaasabada lagu daah furayay dhismaha golaha deegaanka Warsheekh.
Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo si rasmi ah u daah furay ayaa sheegay in golaha deegaanka ay soo xuli doonaan 105 ruux islamarkana boqolkiiba 30 ay noqon doonaan haween.
“Degmada Warsheekh waxay noqotay degmadii ugu horeysay ee Hirshabeelle ee lagu bilaabo dhismaha golaha deegaanka, 105 ruux ayaa soo dhisi doonta golaha deegaanka, waxaan raba oo aan idinkula xisaabtami doonaa in boqolkiiba 30 haweenka la siiyo”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle.
Guddomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan, guddoomiyaha degmada Warsheekh Cumar Maxamed Cumar iyo xubnaha ka qeyb galay munaasabadda ay soo dhaweeyay daah furka dhismaha golaha deegaanka.
Maamulka Hirshabeelle ayaa dadaal ugu jira sidii degmooyinkiisa uga hirgelin lahaa dhismaha golaha deegaanka si dadka degan magaalooyinkan u doortan cida hogaamineysa.