Baledweyne ( Radio Beerlula )-Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay, in uu baarlamaanka weydiisan doono codka kalsoonida ka hor inta aanan la gaarin dhammaadka bisha December.
Tallaabadaas ayaa waddada u xaari doonta in Jarmalka laga qabto doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay. Arrintan waxay ka danbeysay kaddib marki uu burburay isbaheysigi saddex-geesoodka ahaa ee ay ku tiirsaneyd xukuumadda Scholz.
Dalka Jarmalka oo ah waddanka ugu dhaqaalaha wanaagsan Yurub ayaa todobaadki hore galay qalalaaso siyaasadeed, kaddib marki isbaheysiga ay ka koobneyd xukuumadda uu isku qilaafay, cadadka lacagaha ay dowladda ku taageryso Ukraine, iyo inta ay xukumadda ku kharja-gareyn karto dhiirigelinta koboca dhaqaalaha.