Hogaamiyihii hore ee fallaagada dalka Congo oo dambi lagu helay.

0
307

Baladweyne(Radio Beerlula)-Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada ee loo soo gaabiyo ICC ayaa maanta hogaamiyihii hore ee fallaagada dalka Congo, Bosco Ntaganda ku heshay dhamaan 18 dacwadood oo lagu soo oogay oo isugu jiray danbiyo dagaal iyo danbiyo ka dhan ah aadanaha.

Hogaamiyahan ayaa iska difaacay intii uu socday dhageysiga maxkamadeyntiisa oo ka dhacday magaalada Hague ee dalka Holland,

Bosco  ayaa beeniyay inuu yahay dilaa iyo danbiile dagaal. Wuxuu ku adkeysay inuu ahaa askari balse uusan aheyn danbiile dagaal.

Dacwad oogayaasha maxkamadda ICC ayaa sheegay in Ntaganda uu hogaaminayay jabhaddii UPC taasoo gobolka Ituri ee dalka Congo ka geysatay gaboodfallo isugu jiray dil, kufsi iyo boob inti u dhaxeysay 2002 iyo 2003.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here