Holland oo si kumeelgaar ah Uganda u geyneysa muhaajiriinta dalkeeda laga celinay.

0
78

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Netherlands ayaa Uganda la gashay heshiis is-afgarad oo labada dhinac iska kaashanayaan in si kumeel gaar ah Uganda loo geeyo magangalyo-doonka laga soo diido Netherlands sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Holland shalay oo khamiis aheyd.

Heshiiska waxaa magaalada New York ku kala saxiixday wasiirka arrimaha dibadda Holland, David van Weel iyo dhigiisa Uganda Odongo Jeje Abubakhar intii ay joogeen shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Qorshaha heshiiska ayaa ah in muwaadiniinta ka soo jeeda dalalka dariska la ah Uganda ee codsigooda managangalyo-doonka ah la diiday kuwaas oo hadana aan dib loogu celin karin dalalkooda sababo badan oo jira dartood la geeyo Uganda.
Dadka la geeyo Uganda ayaa halkaas joogi doono in muddo ah ilaa inta xaaladaha dalkooda ka soo hagaagayaan.

Wuxuu kaloo wasiirka intaas ku daray in dowladda Holland ay qorsheyneyso in ay si hoose ula tashato Midowga Yurub iyo sidoo kale ururada caalamiga sida IOM iyo hay’ada qaxootiga u qabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Tirada soo gashay Holland sanadkii hore ee 2024 waxay gaareysay 32,175 qof oo magangalyo-doon ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here