Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa hoos u dhac kuyimid dhaqdhaaqa ganacsiga Suuqyada Magaalada Baladweyne kadib markii ay yaraadeen gaadiidkii Magaalada keeni jiray raashiinka ,shidaalka,qalabka dhismaha guryaha iyo adeegyada kale ee ay iibiyaan ganacsatada Baladweyne.
Hoos u dhacaan ayaa waxaa sababay burburka kuyimid wadooyinka ay isticmaalaan gaadiidka xamuulka ah kuwaasi oo ay saameeyeen daadadkii ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.