Baladweyne ( Radio Beerlula )-Suuqayada lagu iibiyo Cabitaanada ee magaalada Baladweyne ayaa laga dareemayaa hoos u dhac balaaran oo ku yimid qiimaha la iibiyo.
Kaartoonka Biya moyasaxada ayaa la iibin jiray 5.5 dollar hadana waxaa la iibiyaa 4.2 dollar darsanka Managada ayaa la iibin jiray 6 dollar hada waxaa la iibiyaa 4.4 Fantada ayaa la iibin jiray 10 dollar hadana waxaa la iibiyaa 8 dollar waxaana sababay dhaqaale la’aan soo foodsaartay bulshadii iibsan jiray Cabitaanadaan taasi oo keentay in ay ka door bidaan Biyaha ceelasha.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.